X

Sheekada federaal oo qarka u saaran inay burburto: 3 la dhaawacay Beledweyne

Waxa magaalada Beledweyne ka socday baryahanba guuxa diidmada maamulka Hirshabeele oo markii horeba ayna waxba ku qabin laakiin keliya ahayd meel lagu cuno xoolaha masaakiinta.

Inkastoo jufada hadda banaanbaxa wadaa ay ahaayeen kuwii ka daadegay horjoogenimada maamulka, waxay hadda ka banaanbaxayaan hogaanka cusub oo ka soo jeeda isla beesha Hawiye.


Banaanbaxyo rabshado watey ayaa rasaas hoos loogu dhigey waxa ku dhaawacmay sadex qof oo ay ku jirto haweenay. Dhaawacooda ayaa loola cararay isbitalka magaalada.

Haddaba sheekada ayaa ku qotonta nuidaamka xaaraanta ah ee federaal kaas oo dad aan u qalmin ay lacago bilaasha ku cunaan nidaamkaas. Fadhiid Xasan Sheekh ayuu ahaa kii sii balaadhiyay nidaamkan goboleysiga ee ujeedadiisu tahay in dalku weligii helin dawlad adag oo shaqaysa kadib Kiiniya markey ku tiri ku soo fadhiiso ayna Kismaayo Axmed Madoobe nidaam ugu dhistey.


”Jufana ma ogola in jufo kale xukunto waana ta hadda ka socota Beledweyne, beesha hadda banaanbaxa wada Hawiye (Xawaadle) ayaa qabta in Hawiye (Abgaal) ku xukumeyn Muqdisho iyo Beledweyne garna waa leeyihiin ayuu yiri Cali Calasow.

”Sidoo kale Mareexaan wuxuu xaq u leeyahay inayna hoostagin Axmed Madoobe iyo Kiiniya ayuu raaciyay Cali Calasow. Waxan ognahay in xaalado noocaasa ay ka jiraan dalkoo dhan min Lawyacado ilaa Raaskambooni.


Waxa muhiima in si degdega wax looga bedelo dastuur dhoodhoobka lagu sheegay in qabyo tirey oo hadda la sheegayo in aan la taaban sheekada federaal iyo qodobo farabadan oo gebi ahaanba diinta ka soo horjeeda, oo la ogyahay inay yaryihiin cida raali ka ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.