Muqdisho–Xuska munaasabada maalinta weyn ee 26 Juun ayaa ka dhacday xarunta dib boodhka looga jafay ee dawlada hoose ee Xamar halkaas oo ay ka soo qaybgaleen madaxda qaranka oo uu ku jiro madaxweynaha, raiisal wasaaraha, wasiirada, safiirada dalalkooda u jooga Somaliya, bahda fanaaniinta, bahda baambeyda, bahda saxaafada iyo marti sharaf aad u balaadhan.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa daawaday saqdii dhexe calanka jamhuriyada oo laga taagayo xarunta dawlada hoose.
Heesta ku haboon ee aan idiin soo xulney waxa ku luqeynaya fanaankii weynaa Maxamed Suleymaan Allaa yarxamu waana 26 juun kugu ladnaaney.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM