Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Maamul beeleedka SNM/S/land Markay Xabaalo wadareed Keenaan Horgaladu Miyay Dhuuntaan

Ilaahayow damiirka hanaga qaadin, ilaahayow soorquudheed hanagu dilin, ilaahayow sharafta iyo karaamada nagu ilaali, erayadani waxay ka mid yihiin ducooyinka ugu qiimaha badan ee ay soomaalidii hore ku ducaysan jirtay, balse hada waxaa soo baxay qoom aan u joojinayn, oo mar walba iska diifaysan.

Bal aan u soo laabto dulucda ku xardhan maqaalkeenan, sidaan ka warqabno shacabweynaha ka soo jeeda Maamul beeleedka SNM had iyo jeer waxaa si joogto ah qalbigooda loogu turqaa wixii xumaan soo martay, wixii xumaan ay geysteena lama xasuusiyo.

Tusaale waxaa inooga filan diyaarada kartoonka ka samaysan ee la sudhay badhtamaha magaalada Hargeysa, oo ujeedkeeduna yahay inay jiilashooda soo socda dareensiyaan in la xasuuqay, la cidhibtiray. Waxay meesha u sudheen in ay mar walba u ahaato xirsi xidh amaba qardhaas aan maankooda ka tirmin, hadaba qoladan cuqdadaysan cillinkoodu waa wax la garan karo, la fahmi karo, balse waxaan la yaabahanay kuwa horgalada ah, dawarsatada ah ee iyagu qoomkaasi la nool.

Waxaan la yaabanahay indha adkaantooda damiirxumadu hadhaysey ee ay la dhex joogaan maamul beeleedkaasi SNM oo subax walba saacad walba ka hadlaya faqash baa sidan noo gashay.

Waxaan la yaabanahay marba intay dhagax ku soo tuurayaan deegaanada SSC iyo AWDAL iyagoo muraadkoodu yahay mid u cad sida dharaarta, misana meel walba way ka sheegaan in la dulmiyey la xasuuqay balse ma soo hadal qaadaan xasuuqii ay ka geysteen AWDAL, Kalshaale iyo deegaanada kale, oo boqolaal aan waxba galabsanin ay ku laayeen.

Hadaba qofba meel baa u darane, kuwan horgalada ahi miyey dhuuntaan maalinta xabaal wadareed la soo helo? Markayse baroortu isqabsato horgaladuna maxay sameeyaan? Malaha si aanay qolada la joogaa u colaadinin, iyaguna way ku baroor darsadaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...