Waxa qarka u saaran inuu burburo maamul jufeedka Hirshabeelle oo ay isku hayaan isla jufooyinka Hawiyaha ee is diidan. Wasiirkii la eryay ee waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa ka digey in horjoogaha Hirshabeele uu tago Beledweyne.
Horjoogaha Hirshabeele ee la doortay 10 bilood kahor ayaan welli tagin Beledweyn oo ay u diidan yihiin siyaasiyiinta magaalada oo iyagu qaarkood hub qaatay. Waxayna ku diidan yihiin in jufada Abgaal ka sadbursi badatey.
Waxa caawa la sheegayaa in askar ka tirsanaan jirtey ciidanka xooga laakiin hadda noqoday ciidan jufo ay fadhisteen xarunta degmada iyo meelaha kale ee degmada.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la garanayn in doorashashada barlamaanku ka dhici doonto Beledweyne iyo in kale. Waxan aa dhowraa halka is jiid-jiidka Hawiye ku dambeeyo.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS