X

Maxay dunida Muslimku ku diidey cunaqabataynta Ruushka la saaray?

Ruushka ayaa hawlgal milatari ka bilaabay Yukrayn sadex bilood kahor ilaa haddana wuxuu ka gaaray guulo waaweyn ujeedada hawlgalka. Waxase hawlgalkaa aad uga xanaaqay Maraykanka iyo xulafada Yurub ee isaga ku xidhan dhaqaale ahaan.


Xulafadaas kuma jiro Turkiga oo dhaqaale iyo siyaasad ahaan takoori karin Ruushka inkastoo madaxweynaha hadda haysta ee Dayib Erduqaan ay isku hayaan Suuriya oo Ruushka ka xoreeyay urur diimeedyadii weeraray ee Maraykanka, Turkiga iyo Carabtu kharashayn jireen.


Sababta ugu weyn ayaa ah inaanu Turkigu marnaba isku halayn karin markay noqoto difaaciisa xulafada uu ku jiro ee Maraykanku xukumo ee Naato. ” Sidaasi awgeed waa inuu lugihiisa kula Jiraa labada dhinacba ayuu yiri Xuseen Warsame.


Haddaba cunaqabataynta ay ku fashilmeen Maraykanka iyo xulafada uu dabada Ku wato ayaa adduunka Muslimku si fiican u diiday mana jiro hal wadan oo Ku raacay. ” Waxa Maraykanka iyo xulafadiisa la shaqeeya sida Ingiriiska iyo Jabaan iyo kuwo kale Ka dhaafhicin Kari waayeen adduunka Muslimka in la jiraan run ahaantiina waxayna taageeraan Ruushka oo ayna Rabin inuu guuldaraysto ayuu yiri Xuseen Warsame.



Sababta ugu weyn ayaa ah in Maraykankau yahay qasaha ugu weyn ee dhulka geliyay ugu yaraan 4 dal oo Muslimiina ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Waxa taas u dheer in adduunka Muslimka Ku faafiyo waxa loogu yeero dimoqraadi oo ah gaalnimo cad oo ay ku jiraan in khaniiska la fasaxo halka ninka naagana loo bedelo baasaboorada.


Ruushka oo diinta kiristaanka haysta dalkiisa lagama ogola dhaqamada noocana, waana halka ay uga dhow yihiin Muslimiinta gaalada kale. Afti la qaaday ayaa lagu ogaaday in dalal lagu ogaa inay la jiraan Maraykanka oo Muslimiinta hadda yihiin kuwo xooga u taageesan Ruushka sida Sacuudiga, Masar, Jasaair, iyo Indooniisiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.