X

Maamulka Galmudug oo gacanta ku dhigey nin ku kacay fal dadku ka anfariireen

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigey nin ku kacay fal dadku ka anfariireen kadib markii uu diley xaaskiisa oo weliba umul ah. Gacan ku dhiiglahan ayaan la sheegin inuuna maskaxda ka jiraneyn.


Dilalka noocana ayaa waxaad ka filan kartaa oo KALIYA qof jiran in qof noloshiisa la qaybsanaysa weliba umula uu dilo ayuu yiri nin dadka deegaanka ah.


Wuxuu intaas raaciyay waxa la sugaaba waa in aan la daahin dilkiisa. Dilkan ayaa ka dhacay degmada Balanbale ee gobolka Galguduud. Gudoomiyaha degmada ayaa sheegay in aad  loo naxay falkan.


Dhacdooyin aan hore loo arki jirin ayaa ku soo kordhey dalka waxase ka sii daran in dadkaas falalkan argagaxaa gaysta aan la marsiin wadada saxda ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.