15/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulka Hirshabeelle iyo xilliga wasiirada la magacaabayo

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyey waqtiga uu soo magacaabi doono golaha wasiirada ee maamulkiisa.



Saacadaha soo aadan ayaan soo magacaabi doonaa wasiirada, inta badan waxaa soo gabagaboobay wadatashiyadii aan la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Odoyaasha dhaqana, Haweenka, dhallinyarada, sidoo kalena xildhibaannada intooda badan waan is aragnay, wixii xilligaan ka dambeeyana waa shaqo” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.



Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, iyadoo marar badan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay ka dalbadeen in arrintaasi uu soo dedejiyo si loo sii guda galo howlaha kale ee maamulka.

Hoos ka fiirso isagoo magacaabay gudoomiyaha Shabeelaha dhexe

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS