X

Maamulka Muuse Biixi oo bilaabay ugaadhsiga dhalinta reer Awdal yaa u dambeeyay

Waxa xalay gurigiisa magaalada Boorama loogu dhacay Mukhtaar Cali Aadan Yaabe oo ah wiil dhalinyara ah oo faalooda arimaha siyaasada maamulka Muuse Biixi fikirkiisana Ka dhiibta kolba arimaha markaas jira, waxase jirta in qof Ka tirsan xerta aqalka Muuse Biixi ayna jeclaysan.


Waxayna u dalbadeen askar si qaabdaran ugu daatey gurigiisa si argagixiso ku dheehan tahayna u khalkhal geliyay caruuta iyo haweenka guriga jooga tan oo Ka fog dhaqanka diinteena macaan.


Maamulka Muuse Biixi waa u caadi inuu dadka jeelka ku guro wixuuna Kula baxay naanaysta handaraab, waxase jirta in dhinaca Awdalna loo soo tilmaamo kolba dhalinta firfircoon ee Ka hadla cadaalad xumada iyo qabyaalad ku habsatey maamulka.

Tan ugu daran ayaa ah in kadib marka askar kuu soon daadato aan haddana laguu sheegayn cida amartey xadhigaaga iyo waxa aad ku xidhan tahay oo inta badan ah fikirkaaga ayaad hadasha ama baraha bulshada ayaa sii faafisay fariin kale.


Waxa la Isla hadal hayaa inuu Mukhtaar Yaabe xirey gacanyaraha Muuse Biixi ninka lagu magacaabo Maxamed Cali iyo in Saylici xirey. Waxase shiki ku jirin in amarku Ka soo baxay Hargeysa.

Sawirka waa dhibane Mukhtar Cali Aadan Yaabe

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.