08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulka Siilaanyo waa lacag igu shubo by Mukhtaar Cilmi

Maanta somaliland guri walba geeri ayaa taal oo ubaxi dalkeena badaha ayaa liqay , iyadoo taasu dhacday yaan mas’uuliyadeeda saari karnaa ? ya weeyaan dadka xoolihi ka cunay umaddan dalkeedii ka cararaysa shaqo la’aan iyo waxqabad la’aan awgeed? 

Dadka inta badan tahriiba waxay u badan yihiin dhalinyaro iyo aqoonyahan,hal-door iyo indheer garad.arimo badan ayaa sabab u ah tahriibta sida, shaqo la’aan, nabadgel xumo, xoriyad la’aan ama cadaadis.

Waxa jiro sababo badan oo kale oo dhiirigelinaya tahriibka ,laakiin gobolada qaarkood way ku kala gedesan yihiin wax yaabaha dhiirigelinaya tahriibka.

Intii ay xukuumaddani talada la waeegtay dalkan waxay ku caan baxday xukuumadda shacabkeeda tahriibisa waayo ila hada waxay xidhi weeday dadka ka ganacsada taheiibka hargeysaa iyo burco gudahiida,

Waxaana dalka somaliland gudahiisa ka jira shabakado dadka tahriibiyaa oo ila hada wasaaradda arimaha gudaha iyo laamaha socdaalku ku fashilmayn joojinta socdaalka dhalinyaradda wajaale iyo xuduudaha somaliland ka talaaba.

Iyadoo dawladda itoobiya dhinaceeda xakamaysa balse somaliland ay ka liidato qabashadda shabakadaha iyo xakamaynta socdalka tahriibayaasha !!,

Waxaana halka mas’uuliyadda kowaad la saari doona xukuumaddan oo hawsheedi ka gabsatay.itaal yaranta xukuumadda KULMIYE waxay xakamayn weedey dadka tahriiba bal eega maalin walna wadada hargeysa iyo berbera dadka ka dhex logeenaya waa itoobiyaan oo berbera ka tahriibayaa ila yemen dunyo !!!

Fadeexad ayay ku taala dawladd isku sheegaysa oo xamar u hanjabaysa iyadoo xita ilaalin kari weedey wadooyinkeeda iskaba daa xuduud!!.

Dalkan gurmad ayuu ubaahan yahay , xuduudiisa way iska furan yihiin waad aragtaan xuduuda u dhaxeesa somaliland iyo puntland !!,tahriibka ka socda BERBERA,SAYLAC,WAJAALE , dalkan ciwaankiisu waa ( fadlan Lacag Ku shub),ayaan daroo weeyey waxaana mas’uuliyaddu saaran tahay dadkii ku dhintay masr iyo liibya :

1-         Xukuumadda KULMIYE

2-         Wasaaradda arimaha gudaha

3-         Laanta socdaalka

4-         Wasaaradda shaqaalaha

Qalinki Mukhtaar Cilmi