X

Maamulka Somalilaan oo ka gariiray dood ay ka qayb galeen dad dhaqanka lidi ku ah

Maamulka Somalilaan ayaa ka gariiray dood uu sii daayay tilifishan xaruntiisu tahay Ingiriiska oo dalka intiisa kalana ka qayb qaata dhiirigelinta qabyaalada. Doodan ayaa waxa ka qayb galay dad aan Af-Somaliga garanayn oo ku korey wadamo kale isla markaana wata dhaqamada wadamadaas.


” Somalida ku kortey dibedda waxay wataan dhaqamada dalalka ay ku koreen ha ahaadaan dal Muslima kaba sii darane dal gaaleed oo halis ku haaynaya dhaqanka iyo diinta dadku haystaan ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Barnaamijka doodu ka taagan tahay ayaa ah mid looga hadlaayay sodohda oo dadka kaqayb galay ay ku jireen dad aan Af-Soamliga aqoon isla markaana ay ku jirto dhaqamo shisheeye ayuu yiri Saleebaan Yuusuf Cali Koore.


”Waxaan uga digayaa tilifishankan aan hore u ganaaxnay 10 kun oo doolar inuu qabto barnaamijyo lidi ku ah dhaqanka iyo diinta ummada Somaliyeed, waanan xiri doonaa xaruntiisa Hargeysa haddii mar dambe aanu aragno wax noocaasa ayuu raaciyay.



”Dad luqada hooyo dhibayso kama hadli karaan dhaqanka iyo diinta Somaliyeed ayuu yiri Saleebaan Cali Koore. Waxa barnaamijka laga arkaayay ugu yaraan laba qof oo si cad u haystey dhaqan Carbeed iyo mid gaalo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.