X

Ugu yaraan 200 oo qoys oo abaarta ka soo cararay oo Muqdisho yimi

A woman walks in drought-hit Salaxley village, 15 kilometers south of Garowe in Puntland, on February 01 2017. Puntland is one of the regions hit by a severe drought. UN Photo / Ilyas Ahmed

Dal biyo buuxaan laakiin maamul xumo awgeed dadkii ay haraad uga soo carareen deegaanadii ay deganaayeen ayaa keentay in qoysas badan oo ku noolaa gobolka Bay ay u soo hoy iyo daryeel doontaan Muqdisho oo la ciiriciiraysa kuwii hore.


”Dadkan xoolihii u dambeeyay ayay soo iibiyeen ama soo qasheen kadibna lafahooda ayay la soo carareen ayuu yiri Cabi Muudey oo u hadlay dadka abaar-barakaca oo hadda hoy aanan haysanin.


”Waa nasiib darada inagu habsatey muddo 30 sanadooda oo lagu guulaysan waayay in dadka loo adeego, waxa taas ka sii daran in ayna jirin siyaasiyiin tayo leh oo dalka u soo baxaya oo ilaa hadda muuqda ayuu yiri Cali Calasow.



Si kastaba ha ahaatee waxaba ka jirtey Muqdisho in dadkii masaakiinta ahaa lagu dul shaqaysto oo iyagii lacag laga sameeyo ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.