X

Maxaa keenay in xukuumada Ruushku is casisho

Xukuumada uu hogaaminaayo raiisal wasaare Medhfidaf ayaa is casilaadeeda u gudbisay madaxweyne Buutin kadib markii madaxweynuhu soo jeediyay isbedel qotodheer oo lagu samaynayo dastuurka dalka.


Isbedelka dastuurka ee uu soo jeediyay madaxweyne Buutin ayaa keenay in xukuumadu is casisho si loo fuliyo hawlaha dawlada ayuu yiri Medhfidaf oo xilka soo hayay tan iyo 2012.

Isbedelada dhinaca dastuurka ee madaxweyne Buutin soo jeediyay ayaa u badan kuwo loo qaaday amniga dalka siiba on dalku u gacan galo nin ay wataan reer galbeedka oo halis geliya amniga guud ee dalka iyo sirtiisa.


Marka madaxweyne Buutin xilka Ka dego ayaa waxa la filayaa inuu xilka madaxweyne qabto raiisal wasaare Medhfidaf oo hore u soo qabtey xilkaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.