X

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey madax hore iyo kuwa gobolada qaar

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey madaxdii hore ee isags ka horeeyay sida Xasan sheekh iyo She Shariif iyo qaar ka mida kuwa maamulada gobolada qaar. Inkastoo madaxda qaar sida Galmudug laga tuurey booska laajiin haddana la casuumey.


Madaxweynaha ayaa usku dayaaya inuu isku soo dhaweeyo aragtiyo la kala qabo iyo hab maamulka dawlada.

Wuxuu si gaara madaxweynuhu ula kulmey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynihii hore ee Puntland  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.


Waa markii ugu horeysay ee madaxweynuhu la kulmo dhamaantood intii ay jireen siyaasado laga hagaayay jaarka iyo Carabaha oo lagu mijo xaabinaayay dawladda.

Kulanka ayaa u badnaa kaftan iyo isla sheekaysi mararka qaarkood gooni gooni ah inkastoo hadana si guud loo wada hadley.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.