X

Maayer ku xigeenkii hore ee Boorama oo la xidhey iyo waxa lagu xidhey

Boorama ayaa noqotey meesha ugu xun dhinaca xoriyada maamulka Somaliland waxana maanta la xidhey maayer ku xigeenkii hore ee magaalada.

Maayer ku xigeenkii hore oo ku magac dheer Dheerayste ayaa si adag uga hadlay mamul xumada ka taagan deegaanka laga soo doorto oo waliba loo dheeraysiiay in lagu diro dawlad deegaanka.



Dheerayste ayaa sheegay in ay ku darsan doonaan ismaamulka Somalida Itobiya hadii dadka wax loo qaban waayo iyadoo uu ka yaabay qabyaalada iyo maamul xumada ka jirta maamulka Somaliland.



Lama garanayo cida ka gubatey runta ee soo amartey xadhiga. Boorama ayaa ka duwan magaalooyinka kale waana meesha kaliya ee markaaba dadka lagu dhego.

Maamulka Somaliland ayaa sheegta dimoqraadi lama yaqaan cida dadka xidhata maadaama war ka hayn waxa ka dhacaya maamulkiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.