X

Macaluusha taala dalkeena waa mid ay sababtey maamul xumo: WARBIXIN

Burburka kadib dalku marnaba ma helin hogaan caqli leh oo ummada jiheeya waana mida keentay in dalka dadkiisu ka bixi waayaan abaaro, colaad iyo gaajo baahsan. Intaas oo dhanba waxa ugu wacan hogaan xumo.

Inkastoo dalka lagala dagaalmayo in uu helo awoodii dawlada markaas jirta ay ku fulin lahayd amarka dawlada ilaa haddana lagala dagaalamayo mar loo fadhiisto xarunta Qaramada midoobey iyo mar lagu soo kiciyo dawladaha jaarka ah.


Waxase taas oo dhan isku fuuqsan kara haddii la helo hogaan caqli leh oo meel saara sidii dadku u heli lahaayeen cunto ku filan. Waxa dalka ILAAH ku manaystey kheyraad xoogleh laakiin welli ma aragteen sidii loo maali lahaa waa MAYA ayuu qabaa Cali Calasow.

Dawladan u dambeysa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ee AFARTA sano gaaladu u xukuntey, waxay ku guulaystey in ugu yaraan ay cayrsato maleeshiyaad Kiiniya wadatey, hogaano ogolna ka dhaliso ilaa afar gobol, waxase awoodeeda xanibaya dastuur dhoodhoobka gaaladu u dhigtey ee lagu tilmaamo qabyo qoraal.


Dastuurkan ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda dhaqanka iyo diinta suuban ee dadku leeyahay ilaa haddana ma jirto hogaan ku dhiirada inuu daaqada ka tuuro ,waqtina ku bixiyo sidii dalka Musimka ah looga qaban lahaa.

Waxaadse moodaa in gaalada ilaashanaysa ay kolba leeyihiin lama dhamaystirin taas oo waqti muhiima ka cunaysa maamulka markaas jira.

Inkastoo dawladan hadda lagu amaani karo kor u qaadida tayada ciidanka qaranka iyo kordhinta dakhliga dalka haddana waxay ku fashilantey in awoodaa yar ku hesho dakhligaay u baahan tahay iyo weliba ay la dagaalanto gaajada iyo biyo yaraanta.


Si kastaba ha ahaatee dalku wuxuu u baahan yahay hogaan ku dhiirada inuu daaqada ka saarto GOBOLEYSIGA, soo celiyo dastuurkii dalka, Baabiinta waxa loogu yeero aqalka sare, xilli ayna jirin doonin in qabqableyaal cusub sida kuwa federaalka iyo gooni goosadka ayna wax uu dhimi karin qaranka.

Kacdoonka cusub ee ka imanaya hogaan caqli leh wuxuu abuurayaa in dalku muddo kooban ku filaado inuu dadkiisa kala dagaalamo gaajada iyo abaaraha ay keeneen hogaan xumadu.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.