X

Madaafiic lagu garaacay saldhig Maraykanku ku leeyahay Ciraaq oo khasaare ka dhashay

Wararka Ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya madaafiic lagu garaacay saldhiga weyn ee Maraykanku Ku leeyahay deegaanka Balad oo khasaare ka dhashay sida uu sheegay raiisal wasaaraha dalkaasi. Waamarkii labaad oo isla bisha madaafiic lagu garaaco saldhigyada Ciraaq ee Maraykanku leeyahay.


Waxa khasaare Ka soo gaaray askar Ciraaqiyiina oo afara sida uu xaqiijay raiisal wasaruhu laakiin ma sheegin dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kuwa Maraykanka oo la aaminsan yahay inay dhufeys markiiba galeen.


Madaafiicdan oo ah nooca lo yaqaano Katyusha oo uu sameeyo Ruushku ayaa ah kuwa aan la hagin, taas oo ka dhigeysa inayna ku dhicin halkii loogu talogalay laakiin ay jugeyn karaan aag dhan.

Madaafiicda ayaa ku dhacay laamiga diyaaraduhu ka haadaan. Dawlada Ciraaq ayaa dalbatey in askarta Maraykanku dalka ka baxaan waxase diidey Maraykanka oo sheegay in aanu xoog ku baxayn.


Ma jirto cid sheegatey madafiicdan iyo kuwii horeba. Markii Iiraan garaacdey saldhigyadan waxay tustey xagjir Taram in gantaaladeedu ahayn kuwa aan wax dili Karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.