X

Suldaan Abshir oo Saylici iyo Muuse Biixi u sii daayeen baqdin ku timi

Waxa mardhow xabsiga Madheera laga sii daayay Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo xadhigiisa Saylici u kaashadey Muuse Biixi. Suldaanka ayaa Ku xidhnaa xaqdato muddo bil Ku dhow. Waxana xabsiga Ku booqdey madax Ka tirsan hay’adaha xuquuqul insaanka.


Hanjabaad uga timi beesha caalamka sida in laga xayiro socdaalka dibedaha laguna daro kuwo ugu xun ee ku tunta xuquuqda insaanka Aya ugu weyn cabsida la soo deristay Muuse Handaraab iyo Saylici fadhiid sida uu xog Ku helay Xuseen Warsame oo si dhow ula socdey kiiska Suldaan Abshir iyo weriye Coldoon.


Hay’adaha xuquuqda ee kiiskiisa sida dhow ula socday waxa ka mida hay’ada xarunteedu tahay Ingiriiska, oo eheladiisu kolba Ka waraysanaayeen xaalkiisa, oo ugu dambeyn cadeeyay been farabadan oo loo sheegay in la sii daynayo usbuucan.

Suldaanka ayaa fadhiid Saylici iyo Muuse Handaraab u xirnaa muddo bil Ku dhow, waxayna Ka faaiideen fadeexad, ayagoo u soo maray qaar Ka mida Isla beeshiisa.


Suldaanka ayaa bakan qaaday in xarigiisa xaqdarada uu mar uga wadamo saxaafada inkastoo dadka u dhow sheegeen inayna jirin dhibaato uu Ka sheegtay jeelka.

Suldaan Abshir ayaa Ka mida suldaanada soo jeeda ee u hadla xaqa ay leeyihiin dadka uu matalo ee Samaroon.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.