X

Shirka wadatashiga beelaha Samaroon ee Itoobiya oo ka furmey Awbarre iyo mid ka dhacay: SAWIRO

Shirka wadatashiga beelaha Samaroon oo uu hogaaminaayo ugaaska guud ee Gadabuursi ugaad C/rashiid ayaa ka furmey Awbarre halka mid kaas la mida laakiin lagu xoojinaayo dadaalka ugaaska uu isna xalay ka,dhacay London.

Jaaliyada Gadabuursi ee degta gobolka balaaran ee Harawo iyo Sitti ayaa si balaaran u soo xaadirey shirka saaka ka furmey Awbarre.


Waxa iyaguna goobta timi dhamaan oday dhaqameedyada beelaha Samaroon ee dawlada Somali galbeed iyo Adal iyo Jabuuti. Shirkan oo gogol xaadh u niqon doona shirweyne Sanaroonku aayihiisa uga tashan doono ayaa laga jeedin doonaa hadalo dhaxalgala.

Shirka London ee xalay isna dhacay ayaa wuxuu ahaa mid lagu xoojinaayo shirka ka furney Awbarre. Waxana ka soo qaybgalay Jaaliyada Adal ee degan London iyo gobolada Ingiriiska.


Shirarka noocana ayaa imaanaya xilli loo baahdey in Samaroonku siyaasadiisa mideeyo si ay cadkooda uga goostaan maamulada ay degan yihiin laakiin ayna ku lahayn xaqii ay ku lahaayeen, ayagoo bixiya cashuurta ugu badan.

Ama ay ka tashadaan mustaqbalkooda kana baxaan in beeli beelkale tiriso cashuurta gobolkana daaro laga dhisto, dibna loogu gumeysto looguna kala jajabiy sida maamulka Somaliland.

Sawirada hore waa kuwa Awbarre


Sawirada hoose waa kuwii London

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.