X

Madaxa sirdoonka qaranka oo si cilmiyaysan ugu jawaabay wasiirka koowaad

Madaxa sirdoonka qaranka oo siyaasiyiinta beesha Hawiye muddo ka qayliyeen ayagoon la iman cadaymo ay ku diidan yihiin aan ka ahayn inuu doorashada galaangal leeyahay ayaa si cilmiyaysan ugu jawaabay Maxamed Xuseen Rooble.


Wasiirka koowaad ayaa lumiyay dhexdhexaadnimadii iyo nidaamka dawladnimo ee uu u mari lahaa arinta Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd isla sirdoonka. Warbixin shalay la soo saaray ayay ku sheegeen in dhiigmiiratada shabaab dileen.

Waxa iyana mid taas la mida qaba sirdoonka Maraykanka oo ka sheegay idaacadooda VOASOMALI. Madaxa sirdoonka ayaa sheegay inuu hortagi karo guddiga amniga kadibna warbixinta halkaa ka dhiibto.


”Waxa halkaas ka soo baxaysa in madaxa sirdoonku kalsoonidii kala noqday raiisal wasaaraha oo isagu ah madaxa amniga doorashooyionka keliya ee aanu ahayn madaxa amniga ayuu yiri Cali Calasow.


Kama fursanayso in la raadiyo guddi dhexdhexaada oo arintan gala ayuu raaciyay Cali Calasow maadaama Maxamed Xuseen si toosa ula saftey qoyska gabadha, haddana uu afhayeen buuxa u noqday C/raxmaan C/shakuur.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.