X

Madaxa Somali galbeed oo dalbaday in gobolku helo xaqiisa matalaada

Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa warqad u qorey gudiga doorashada qaranka ee dawlada dhexe ee Itoobiya kana dalbadey in la fuliyo matalaada gobolku ku leeyahay barlamaanka. Somalida oo aan rabin Itoobiya ayaa dalkaasi ka ah qowmiyada sadexaad tirokoob ay samaysay Itoobiya. Waxayse barlamaankaas Tigreega iyo Axmaaradu haysatey laga siiyay keliya 23 xildhibaan.


Tirada golaha wakiilada ee ay ku helayaan tiradooda ayaa ah 32 xildhibaan, waxayna casaan joogaan  9 xildhibaan oo aan u fadhiisan golaha dawlada dhexe inta Somalidu gaarayso halka ay rabto ee ah xornimo buuxda iyo in afti laga qaado deegaanka balaaran ee ay degan yihiin.


”Sida hadda arintu tahay waxa lagu tuntey dastuurka Itoobiya oo meel saaray wakiilada matali kara tirada qowmiyad kasta leedahay, taas oo Somalidu xaq u leedahay 32 wakiilood ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Dhinaca kale waxa walaac laga muujey tirada uu isticmalayo Mustafe Cagjar oo dadka qaar sheegayaan in Somalidu xaq u leedahay 42 xildhibaan oo golaha wakiilada ah isla markaana sheegaya in liistada uu isticmaalayo uu qorey Tigreegii.


Si kastaba ha ahaatee waa hordhac lagu dagaalami karo inta la helayo tirokoob saxa oo ilaa hadda ay diidan yihiin Axmaarada iyo Tigreega.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.