X

Madaxa Somali Galbeed oo faahfaahiyay inta gobolku ku lahaan doono shidaalkiisa

Waxa in muddo ahba aan meel la saarin sidii loo qaybsan lahaa kheyraadka dalka ee dabiiciga ah sida shidaalka macdanaha iyo kuwa kale. Waxa jirey xurguf xoogan oo timi markii raiisal wasaare Cabi Axmed sheegay in gobolka Somalidu heli doonto oo keliya boqolkiiba Shan.


Haddaba madaxa Somali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa faahfaahiyay heshiis hadda jira oo laysla meel dhigey laakiin aan la marin sharciga oo qeexaya waxa laga yeelayo shidaalka gobolka Somali galbeed.


Wuxuu sheegay in gobolka Somalida ku uu lahaan doono kheyraadka shidaalka boqolkiiba 50. Taas oo ku imaanaysa marka la iib geeyo lacagta soo baxda. Halka dawlada dhexe qaadan doonto boqolkiiba 25 boqolkiiba 25-ka soo harayna loo qaybin doono gobolada bilaa shidaalka ah taas oo Somaliduna qaybteeda ku leedahay.


Isku geyn waxaan helaynaa boqolkiiba 55 laakiin ma sheegin xilliga heshiiskaas laysla gartey la meelmarin gelin doono.Shidaalka gobolka ayaa la rajaynayaa in sanada 2021 la bilaabo iibgeyntiisa.

Waxqabadkiisa intuu joogey

Mustafe Cagjar ayaa ku faanay inay hirgeliyeen isbitaalo iyo jidad badankood laga hirgelinayo meel gaara. Waxana kuu cad inuu fashil yahay ilaa hadda maadaama aanu qaban wax muuqda oo dadku Ku farxaan ama leeyahay aragti fuog oo gobolka lagu hormariyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.