X

Maxaan ka ognahay ururka la baxay Heritage iyo cida wadata

Waa dhuumasho dhabarku muuqdo Sababtoo ah nimankani waa Kadiriintii Tplf & Damujadiid , waa ka hadheenkii Tigree .

Waxa dhaqaalaha ugu badan bixiya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Maamul goosadka Hargeysa iyo Dowladaha Madaxa banaan oo Faragaliya Maamulka goboleedyada dalka Waana sababta ay u qaadi karayn talaabo.


Umadda Soomaaliyeed Ha ogaato ururkanki Heritage (HIPS) inuu yahay garabkii Urur Akhwaan ah, Soomaaliya ee damujadiid, waxaana Aasaasay Tplf, Ismaaciil Cumar iyo farhiid Xasan sheikh Maxamuud , Dhaqaalaha kaliya waxay ka helaan urur kuwait ah , Ismail Omer , hayadaasi Xarunteedu waa Djabouti (ARC) ee East Africa ayey ka howl-galaan . Shaqadooduna iyo halku dhagooduna waa Dictator-ka maamul goboleed u guulwadeeya , sida ay Aminsan yihiin waana nimanka GCC ama UAE ay u adeegsanayaan inay ka hortagaan isbedelka geeska iyagoo qas iyo isku dir wada , Markaa waxaan ku talin lahaa, Cidka ka danbaysay aasaaska urur diimeedkani , Shirkiisu ka bilaamay cawaaqib KU yahay Midnimada Somaliyeed mahadka Heritage halkan ka daalaco Shaqsiyaadkii damujadiidka ahaa iyo , IsmailGelleh ,TPLF ee Abuuray waana sidatan :-

Waana wakhtigii uu madaxweyne ahaa EX Hasan Sh/ Mohamoud hadaba Gebre sida uga talinaayey Villasomalia ku baadhiyi jiray ka hor farmaajo .


Machadka Heritage Waa garab ka mid ah Damujadiid ,Gebre & TPLF ayaa kulahaa Samaynta ururo diimeedka Maskaxda ka danbaysay waa sidatan :- .

Waxaa aasaasay machadka HIP (Heritage ) madaxweyniihii hore ee Xasan sheekh maxamoud, Iyadoo
Dowladiisii hore Madaxweyne Xasan Sheekh lagu sheego inay majaraha u hayaan Shaqsiyaad ku bahoobay Urur diimeed, ayaa waxaa uu xilka hayey isa soo tari jiray tirada Magacyada shaqsiyaadka Awooda badan ee ku hareersan Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.


Baaritaano iyo daraaseyn aan sameynay
ayaa waxan ku Ogaanay in Dowlada
Federaalka ay Majaraha u hayn jireen
shaqsiyaad aan xilal ka heyn xukumadii Hasan Sh.mohamoud DF, balse ay awoodooda si xad dhaaf ah uga dhex
shaqeysan jireen Villa Somalia.

Shaqsiyaadkaani ayaa waxa ay badi xiligaasi ku noolaan jireen Madaxtooyada Somalia, waana
kuwa ay ka go’aysay Talada Dalka, waxa ayna isugu jiraan kuwa aqoon leh, kuwa aan aqoon laheyn iyo qaar ka tirsan Ganacsatada ugu magaca dheer Dalka waxa ayna kala ahaan jireen :-


1 – Faarax Sheikh C/qaadir oo ah
hogaamiyaha ruuxiga, waxa uu daraasadka Islaamka ku soo qaatay jaamacad ku taal Pakistan Wuxuuna si wanaagsan ugu hadla luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waana
shaqsi hal abuur badan, islamarkaasna
yaqaan sida uu u burburiyo qofka kasoo
horjeeda.

2 – C/kariin Xuseen Guuleed: Waa shaqsiga labaad xagga awoodda kooxdani, waa nin aad u firfircoon oo gal gal ah, aadna u kala yaqaan bulshada Xamar.


3 – Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali
(Doodishe), waa ninka ugu aqoonta badan Kooda Damjadiid, waxa uu shahaado PHD ee
Culuumta Siyaasadda ka qaatay Jaamacad ku taal dalka Suudaan.

4 – Cumar Daahir C/raxmaan: Wuxuu
arimaha diinta kusoo bartay Sucuudiga
sanadihii sideetameyadii, wuxuuna leeyahay bulsho dhex gal xoog badan, waana shaqsiga sadexaad xagga awooda Damjadiidka, Cumar
waxaa uu kasoo jeeda beelaha yar yar,
waxana ay aad isagu dhawyihiin qaraabona yihiin Faarax C/qaadir.

5 – Maxamed Cabdi Abtidoon, Waa Hawiye Habar gidir ‘’Saleebaan’’, Waxa uu ahaa Maamulkii Sare Ee Dugisga Hoose Dhaxe ee Maxamuud Xarbi Sanadii Danbe ee Xiliga
Dagaalada Sokeeye , wuxuu horey u ahaan jirey Ururkii Aala Sheekh ee dowlada Shariif, Awoodna ku lahaa , laakiin wuxuu in yar ka mid noqdey xubin ka tirsan Islaax, ka dibnawaxa uu ku darsamay kooxda Dam-Jadiid Cabsida Akhwaanka ayaa keentay inay magacaa cusub la baxaan markii masar laga guulaystay . Abtidoon wuxuu xiligii dowladii farmaajo noqdey wasiirka u dowlaha gashaan dhigga.


6 – Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaa uu sida Abtidoon ka mid ahaa Aala Sheekh, wax yarna waxa uu ku biirey Islaax, ka dibna waxaa uu ka mid noqdey Koxdan Dam jadiid. Gacal oo u dhashay beesha Hawiye Murursade (Sabti) waxaa uu ku xigeen ka ahaa Xafiiska ururka Iskaashiga islaamka ku leeyahay Soomaaliya, Waxa uuna Wasiiru
Dowle ka noqday Dowlada Xassan
Sheekh.

Ninkani waxa uu shareecada iyo
qaanuunka ku bartay dalka Suudaan,
waxaana halkaas uu dhawaan ka qaatay
shahaadada PhD-da.

7 – Dr Maxamed Xaaji: Waxa uu inta badan waxbarashadiisa kusoo qaatay Dalka Sudan, waxa uu bare ka ahaa Jaamacad ku taalla ,Magaalada Khartoum “Africa” waxa uuna
kamid yahay Culimada Majaraha u haysay Dam-Jadiid.

8 – Mahad Maxamed Salaad: Waa Habar- Gidir Cayr, wuxuu ku hadlaa afafka Carabiga iyo Ingriiska, waxaana uu shahaado Masters Culuumta Siyaasadda ku qaatay jaamacad
ku taal dalka Masar.


Mahad Salaad kamid ma ahayn ururada diniga ah, laakiin wuxuu muddo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan , Xisbiga Madaxweynaha ee xaruntiisu ahayd Nairobi.

8 – Muuse Ganjab: Waa Ganacsade ku reer ah Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh,wax Lug ah kuma lahan Urur diimeedka, balse waxa uu dhaqaale ku bixiyay

Doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay.

9 – Sheekh Nuur Baaruud: Waa muftiga ama sheekh dhankooda ku weyn, waxa uu kamid yahay Culimada go’aanka uu ka go, waana Sheekh u fatwoon jirat xiliyada Murugeysan oo ay Dam-Jadiid la kulmaan waana sheekh Farmaajo hada iska daayey oo ururadaasi markay soo afjarmeen ayuu caruurtiisa u xamaasha farmaajana xil u dhiibay xukuumadiisa , waana sheekh beledka mogdisho.

10. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u qaabil Qaybaha Dilaalnimada Damujadiid oo gacana ka heli jiray imaaraadka & kenya dilaalka qarniga 21aad soomara ee damujadiid .


11. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaguna kusoo biiray wuxuu ahaa shaqsi loo dhiibay $3.6 millionka ee mooshinkii fashilmay dhawaanta 1997 ayuu Miyiga ka yimid tuulo yar oo Matabaan la dhaho wuxuuna ka ahaa dilaaliinta xoolaha Sariimadaha lagu qalo , ranjigana isagaa marin jiray , dabadeed caasimada markuu soo galay wuxuu bartay safiina salaadka iyo quraanka sidaasi ayuu kaadirada xisbigaasi u noqday .

12. Cabdi Caynte oo isagana damu-jadiid u xilsaartay Machadka Heritage waana Urur diimeed loogu talo galay bulshada doomaaliyeed looga dhigo , urur siyaasada ka shaqeeya waxaad ku garan kartaa hayadaha caalamiga ahi weligood lacag may siinin waayo waa urur diimeed ee waxaa siiya Muslim brother-hood lacagtana Suudaan & Djabouti ayaa loo Soomariyaa , Imikana Somalilaan ayaa lacagta bixinaysa ay safarada geeska ugu baayaan, Waayo waxay ka shaqaysaa siday isku diri lahayd maamul goboleedka iyo dowlada federaalka.

NB. (HERITAGE WAXAY WADAA DHUUMASHO DHABARKU MUUQDO .)

W/Q Mukhtar Ali Yaabe
Email :yaabe99@hotmail.com
Alla-mahadle

admin:

This website uses cookies.