Madaxda qaranka ayaa salaada ciida kula tukaday shacabka masjidka weyn ee isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh iyo qaar ka tirsan wasiirada xukuumada ayaa ku jiray safafka hore halkaas oo amaanku aad u adkaa si ayna argagixisada caalamiga ah u xasuuqin muslimiinta.
Iyadoo Dalku uu ka soo kabanayo dhibaato uu mudo dheer dhex maquuranayay rajada ummadda Soomaaliyeed ay ka qabaan in aduunayada ay wax la qaybsadaana ay tahay mid aad u sareysa dalkeenu waxaa uu ka mid yahay wadamada ay maciinka bideen dadka walaaha reer Yemen oo dalkooda colaadu ka jirto Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay in taageero dhan walba ah loo muujiyo dadkaas Yemeniyiinta ah.
Qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Qaranka ee salaada ku tukaday Masaajidka isbaheysiga ayaa dhankooda waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada Somaliyeed.