29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxda qaranka oo ku tukadey wasiir qarax argagixiso ku shahiidey: SAWIRO

Madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha iyo dhamaan inta kale ayaa ku tukadey wasiir ku xigeenkii hore ee shaqada oo shalay argagixisada gaaleynta Muslimiintu ay qarax ku dileen. Waxa wasiirka la shahiidey shaqaale iyo dad shacaba oo ay u adeegaayeen.



Waase laga gaaray inteyna muslimiin kale sii xasuuqin. Madaxda qaranka ayaa Alle uga baryay shahiidkaas iyo intii kalaba inuu dembigiisa dhaafo janadiisana ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS