X

Madaxweynaha dalka ahna safiirka Imaaraadka oo xirey ninkii lacagta ku qabtey

Waxa la xaqiijay in la xirey sarkaal hawshiisa si fiican u gutey oo qabtey lacag tuuga ah oo Imaaraadku soo geliyay dalka dhowr sanno kahor haddana isla madaxweynaha dalka ahna safiirka Imaaraadku uu kala baxay bangiga dhexe.


War ay soo saareen hay’adii la oran jirey sirdoonka qaranka haddase noqotey sirdoonka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in sarkaalkaas oo lagu magacaabi jirey Jeylaani uu hadda xabsi ku jiro.



”Waxay u muuqataa in madaxweynaha dalka ahna safiirka Imaaraadka uu si fiican u aargoostey haadana uu jeelka ku hubsaday. Wararka kale ee ku saabsan isla madaarka Muqdisho ayaa la sheegayaa in hadda loo furey albaab ay ka soo degi karaan waxkasta oo ay rabaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.