Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo baryahan u joogey dalkaasi Hindiya xaalada caafimaad ayaa lagyu guulaystey qaliinkii xaga wadnaha ee lagu sameeyay. C/kariin Guuleed oo la joogto xaaskiisa ayaa sawir la galay dhaqtarkjii daaweeyay Dr. Ramakanta Panda oo ah.
C/kariin Guuleed ayaa bishii la soo dhaafay qalliin dhinaca wadnaha lagu sameeyay, waxaana xalay uu sawir soo geliyay bartiisa Facebook, isagoo ugu bishaareeyay dadka Soomaaliyeed iyo bulshada Galmudug in xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa in dhowaan uu dib ugu soo laabto dalka, waxaana uu ka maqan yahay shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana matalaya Madaxweyne kuxigeenkiisa.
Dhaqtarka Qalliinka ku sameeyay ayaa ka mid ah shanta dhaqtar ee ugu weyn dalka Indiya, waxaana uu heystaa abaal marinta Padma Bhushan, Dr. Ramakanta Panda ayaa horay ugu guuleystay qalliin uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi, Ra’iisul Wasaarihii hore dalkaas iyo madax kala duwan.




C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay