X

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xasan Sheekh si xun ula hadley

Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay inay wax ka jiraan wararka sheegaya in uu ka hor istaagey labada hore u fashilmey ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif inay Beleweyne yimaadaan.


Sheekh Shariif oo fadeexad ka raacdey markuu dhawaan farogeliyay dhismaha ciidanka sida uu u socdo ayaa sheegay inay aruuriyeen lacag gaaraysa laba boqol oo kun oo doolar oo ayna sheegin cida ugu deeqday.


ā€¯Waxaan la hadley Xasan Sheekh una sheegay xaalada garoonka Beledweyne oo biyo fadhiyaan in mudana ku yaraayeen diyaaradaha, wuxuuse ila hadley si kulul ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.


Labadaan madaxweyne ee hore u fashilmey ayaa Beledweyne tagey sadex usbuuc kadib fatahaada webiga oo hadda la moodo in waxoogaa ay biyaha soo yaraanayaan, lama sheegin sida lacagta intaas leeg u qaybin doonaan.

C/llaahi Warmnooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.