Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Madaxweynaha Masar oo amrey ciidanka inay is diyaariyaan xilli Erduqaan ku soo fidey Liibiya

Madaxweynaha Masar oo ciidanka dalkiisa kula hadlaayay saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Masar ayaa u sheegay inay is diyaariyaan xilli kooxda uu taageero Erdquaan ay ku soo fidayaan bariga dalkaasi Liibiya.



Erduqaan oo saliid u ordaya ayaa daadiyay dhiig muslimiin badan oo reer Liibiya ah markii ciidankiisa iyo taangiyo iyo hub kale uu kula dagaalamay ciidanka qaranka Liibiya ee uu hogaamiyo jeneraal Khaliifa.

Waxa jeneral Khaliifa ka soo baxeen caasimada iyo deegaano u dhow caasimada oo intooda badan aan lahayn saliid, waxayse soo lugta ciida dhigeen deegaanada u dhow Sirte.

Digniinta madaxweynaha Masar ayaa imaanaysa xilli ururka bilaa ilkaha ah ee Carabta ay shir muuqaala wada yeesheen maanta oo Sabiya loogana hadlaayay xaalada Liibiya.



”Dagaalka Liibiya ka socda ayaa waxa isku haysta Carabta dhexdeeda, waxana awood badan lahaa jeneraal Khaliifa oo ilaa hadda xukuma dalka intiisa badan aan ka ahayn caasimada oo ay ka soo baxeen iyo magaalooyin u dhow.

Waxase sanadkii hore Erduqaan oo saliid raadisa uu heshiis la galay ururka akhwaan muslimiin ee joogey qayb yar oo ka tirsan caasimada, kadibna wuxuu balan qaaday inuu eryanaayo jeneraal Khaliifa.



”Erduqaan faraha hakala baxo Muslimiinta Liibiya hadaanu wax ku kordhinayn ayuu yiri Xuseen Warsame. Jeneraal Khaliifa Xaftar waa qabsan lahaa caasimada kadibna waxa is taagi lahaa dagaalka Liibiya laakiin taas waxa kharibey Erduqaan oo u dagaalamaya hunguri iyo urur diimeedkiisa akhwaan ayu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee Erduqaan ayaan ku taagneyn lugo sidaa u badan waayo wuxuu isku halaynayaa xagjir Taram inuu taageero, mana dhacayso in Taram kala safto Masar.



Waxase la sugaa halka dagaalka uu bilaabay Erduqaan ku dhamaado. Dhawaan ayaa Erduqaan la heshiiyay Talyaaniga si ay kheyraadka Liibiya u wada qaybsadaan halka Faransiisku diidey hubka uu ku sii wado Liibiya.

Madaxweynaha Masar ayaa xabad-joojin ku baaqay waxase markiiba diidey Erduqaan oo sheegay inay waqti siinayso jeneraal Khaliifa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...