X

Madaxweynaha oo bogaadiyay guulaha isdaba-jooga ee milatariga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay guulaha isdaba-jooga ee ciidanka xoogu ka gaaray aergagixisada gaar ahaan kuwa looga sifaynayo gobolka Mudug. Guushaas oo inta badan ay gaareen ciidanka xooga iyo maleeshiyo beeleedyada maamulka oo aan tababar fiican haysan.


“Runtii aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa shaqada adag ee aad heysaan habeen iyo maalin, soo jeedka, dhaxanta, kaneecada iyo dagaalka joogtada ah ee aad kula jirtaan dhiigmiiratada shabaab. Hawsha aad ku jirtaan shaqo ma ahan ee waa waajibaad wata aad naftiina u hurtaan oo aad naftiina u hibeysaan difaaca Ummaddiina, diintiina, dalkiina iyo dowladnimadiina”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


Si kastaba ha ahaatee waxa guusha ciidanka ka xun kaaba qabiilada ku xiran shisheeyaha, ciidamada Afrikaanka ah iyo kooxda joogta Xalane oo sugaya in doorashadan ay ku soo baxdo caade qaate ay rabaan ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.