Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Dr Cabdiweli waxaa booqashada ku wehliyey mas’uuliyiin kamid ah golayaasha Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacyo Medical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacyo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa intaasi kadib kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka gudiga dib u dhiska Cusbitaalka Guud ee Gaalkacyo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Cisbitaalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS







Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay