16/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo war ka soo saartey kuraasta gobolada Woqooyiga (Somaliland) sheegtayna sida loo qaybsaday

Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabduweli Gaas ayaa war ka soo saaray sida loo qaybsaday kuraasta gobolada Woqooyiga (Somaliland) iyagoo ka cabanaya in dib loogu noqonayo heshiiskaas.

Cabdiwelli Gaas ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha barlamaanka in uu sameeyay guddiyo cusub oo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah heshiiyadii hore loo gaaray.

Kuraasta ayay Puntland ku sheegeen in sadex kursi leeyihiin beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli halka hal kursi ay leeyihiin beelaha lagu sheegay in laga badan yahay inta soo hadhayna ay qabysadaan beelaha Isaaq, Gadabuursi iyo Ciise iyo dadka kale.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Woqooyiga ayaa iyaga ka biyo diidey heshiiskaas kuna doodey in ayna cidi u joogin goobta lagu qaybsaday kuraasta.

cabdiweli-gaas[1]

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa sidan u qornaa.

1-warmurtiyeed

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS