Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Madaxweynaha Puntland oo goob amnigeeda la adkaadey kula tukadey dadka Garoowe: SAWIRO

Madaxweynaha Puntland ayaa goob amingeeda la adkaadey kula tukadey dadka Garoowe. Goobta ayaa sida sawirada aan ku helnay ayna haweenku ka soo qaybgelin.

Madaxweyne Gaas oo khudbad gaaban jeediyay ayaa yiri sidan soo socota;



Sidaad ka war-haysaanba cadawgeeni wuxuu loolan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, sababtoo ah baadil iyo xaqdaro ayay ku socdaan anana xaq ayaan ku taaganahay, Puntland cidna ma gardaraysato cidnana ma daandaansato, cidwalba oo wanaag iyo amni soo bidana waa ay soo dhoweysaa ayuu yiri Madaxweynuhu.



Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo dhankiisa hanbayada ciida u diray ummada Soomaliyeed iyo shacabka reer Puntland ayaa sheegay in Puntland tahay meesha keliya ee maanta horumar lataaban karo ka socdo, taasi oo uu u sababeeyey amniga buuxa ee ka jira Punaland inay ku gaadhey, waxaana uu sidoo kale ugu baaqayn shacabka Puntland inay Soo dhoweeyaan ummada Soomaliyeed ee ku soo hayaamaysa dhulkooda, isla markaana la tuso niyad sami iyo Soomaalinimo.



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa dhankiisa ku booriyey ummada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, inay isu tanaasulaan iyo inay heshiiyaan, waxaana uu shacabka reer Puntland ku booriyey inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida ay hibada gaar ka ah u leeyihiin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland ka go’antahay inay derikooda nabad kula nooladaan, isla  markaana ay markasta danaynayaan Soomaliya oo Mida, Soomaaliya oo is raacday.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...