X

Muxuu ahaa qaraarka ay Somaliya taageertay ee ka dhana Ruushka

Waxa maalin dhow cod loo qaaday qaraar ay reer galbeedkk diyaariyeen oo lagu cambaaraynayo hawl-galka Ruushku ka wado Yukrayn halkaas oo uu ku hubinayo amniga dadkiisa iyo mida dalkiisa.


Haddaba qaraarkan reer galbeedku muxuu ahaa ay u wada codeeyeen dhamaan dunida badankeeda aan ka ahayn dawladaha neceb munaafaqada reer galbeedka uu ugu horeeyo Maraykanka iyo dabo raacyada.


“Qaraarada qaramada midoobay wuxuu u qaybsamaa kuwo meelmara oo laysku wada raaco iyo kuwo cod keliya ah oo aan noqon Karin sharci, markaa kan Somaliya u codaysay wuxuu ahaa mid cod keliya ah oo aan sharci ahayn, waxana dawladaha qastkood loo qaybiyay lacago si loo helo cod mideysan ayuu yiri Xuseen Warsame.


Marka waa cod khasaaray oo aan lahayn haba yaraatee wax ujeeda ah aan ka ahayn in hawl-galka Ruushka la diidan yahay ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Waxba uma dhimayso xiriirka Somaliya ay la leedahay Ruushka. Somaliya ayaa inta uu joogey madaxweyne Farmaajo lagu yaqaanay inaan cidna laysku dhiibin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.