Wednesday, April 24th, 2024
header










Meta







Madaxweynaha Ruushka oo markale Dayib Erduqaan ka badbaadiyay siyaasad qalafsan

Laba usbuuc kahor ayay ahayd markii Dayib Erduqaan ciidan iyo hub u direy Liibiya si uu ula dagalamo jeneraal Khaliifa Xaftar oo ka taliya Liibiya inteeda badan dhawaan qabsaday magaalada Sirta.



Waxa looga digey dhiiga uu daadinayo ee Liibiya iyadoo ujeedadu tahay aad heshid saliid iyo weliba taageerida urur diimeedka Akhwaan Muslimiin ee ay kuwada jiraan isaga iyo hogaamiyaha Tiriboli fadhiya.

Kadib wadahadal bilow ah oo Ruushku dhexdhexaadinayo ayaa labada dhinac ee Khaliifa Xaftar iyo Siraaji oo Erduqaan taageero uga furmey caasimada Ruushka ee Mooskova.



”Horaan uga digney waar dhiig Muslim hadaadin ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka ee Turkiga. Madaxweynaha Ruushka oo hore Erduqaan uga badbaadiyay dhiig uu ku daadiyo Suuriya qaasatan Kurdiyiinta, ayadoo aan ognahay inuu dhiig badan oo reer Suuriya ah daadiyay, aya markaana xal u keenay Liibiya.

Wadahadalada ka dhacaaya Ruushka waxa ku qasban Erduqaan aqbalo inuu aqbalo haddii kale qasaare ayuu ku jiraa maadaama uuna haysan saaxiib kale oo daacada.



Muxuu dhigayaa qodobada heshiiska ee Mooskova

Heshiisku wuxuu dhigayaa in xabad joojin la sameeyo bilaa shuruuda kadibna la sameeyo guddi u kala dab-qaada labada dhinac ee dawladaha Carabta iyo Turkigu kala taageersan yihiin ee Khaliifa Xaftar ityo Siraaji.



Wasiirka arimaha dibedda ee Ruushka ayaa qaba in dhamaan dhinacyadu saxiixi doonaan heshiiskan beri kadibna loo dareero shirweyne lagu lafoguro dejinta dalka oo ka dhaca Jarmalka.

Dayib Erduqaan ayaa ku duceysanaya in madaxweynaha Ruushku dejiyo jeneraal Khaliifa Xaftar si Meesha ay u sii joogto hogaanka uu tageersan yahay ee Tiriboli jooga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...