North Carolina–Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa cambaareeyay madaxda u saraysa Maraykanka sida Obama, John Kerry iyo Jo Biden oo xasuuqan midkoodna ka hadal sida ay uga hadlaan kuwa iyaga khuseeya doorashooyinkooda. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay ”haddii aad ka hadli waydo waxa ka dhacaya dalkaaga sida xasuuqan oo kale waxa dhacaysa in dunida kalana ay kaa aamusto”.
”Wuxuu ku daray in aan midkoodna samaynin wax hadala oo ku saabsan xasuuqan loo gaystay sadexda arday ee muslimiinta ah”. Saxaafada Maraykanka oo lagu yaqaan in ay necebtahay Muslimiinta ayaa ka aamusay xasuuqan waxayse ka yaabeen markii baraha bulshada wax kale laga waayay.
Telefishanada iyo wargeysyada dalkaasi Maraykanka ayaa suuqa ka baxay kadib markii uu soo baxay internet-ku halkaas oo dadka badankoodu ku xidhan yihiin shabakadaha.
Dhinaca kale aaskii sadexda arday ee labada gabdhood oo midkood uu qabay arday iyagana la dhintey ayaa waxa aaskooda ka soo qaybgalay dad ka badan lix kun oo qof oo isugu jira Muslimiin iyo dad aan muslim ahaynba. Waxana lagu tilmaamay aaskii ugu dad badnaa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS