Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabiley salaadiin ka socda beesha Isaaqa ee degta Gaashaamo oo rabshado ka bilaabey halkaas.
Rabsho wadayaal diidan sharciga iyo kala dambeynta ayaa bil kahor ka bilaabay rabshad halkaas markii lagu qabtey contraband. Beesha ayaa qiratey khaladkeeda kadib markii sir laga duubey.
Salaadiintan ayaa codsadey in ay la kulmaan madaxweynahooda iskana dhaafaan idaacadaha beesha sida Horncable in ay ka caayaan. Madaxweynaha ayaa ku qaabiley weji furan wuxuuna dhegeystay waxa ay u yimaadeen.
Ugu dambeyn waxay balan qaadeen in ay nabada ka shaqeeyaan deegaankana ka shaqeeyaan horumarka ka socda oo aan wali gaarin deegaano la mida.
Sulaadiinta iyo cuqaashan Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la kulmay ayaa, kala ahaa.
Ugaas Xuseen Xaaji Geele
Suldaan Maxamad Xaaji Cabdilaahi Xirsi (Qani)
Suldaan Maxamad Yuusuf Xaaji Faarax
Chief Caaqil Cali Axmed Maxamuud
Chief Caaqil Baashe Dhiif
Waxaanay Madaxweynaha iyo odayaashani ka wada hadleen,nabad waarta looga dhalin lahaa xuduuda Degmada Gaashaamo iyo deegaanada hoos yimaada.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
![jbn1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/jbn11.jpg)
![jknn2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/07/jknn21.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay