Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Madaxweyne Farmaajo oo baaq ka direy duufaanta iyo dagaalka Somaliland iyo Puntland: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale baaq ka direy dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo duufanada ku dhuftey dalka. Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha kedib.

Madaxwerynaha oo u tukadey Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalada iyo masiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.




Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”




Baaqa duufaantii gobolka Awdal iyo kuwa kale.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...