X

Maxay ka dhigan tahay tirada Axmaarada ee ku soo kordhaysa dalka?

Burburka qaranimada iyo la dagaalanka dhismaha dawlad dhexe oo adag waxa horseed u tahay arimo aan la mahadin doonin ayuu yiri Cali Calasow oo ka faalada arimaha geeska Afrika.


Tani ayaa imaanaysa ayadoo hadda ay si xad dhaafa u soo galaan qowmiyada Axmaarada oo caadiyan ahayd qowmiyad uu dagaal xoogan inaga dhaxayn jiray sidoo kalana dhulkeena sheegata. Inkastoo ay buuxaan malaayiin Axmaaraa ah oo Muslimiina haddana magaca Axmaar ayaa noqday mid lagu xasuusan jirey cadowtinimo.


Haddaba gobolada ay sida xooga ah u soo galeen Axmaaradu baryahan dambe waxa ka mida Awdal, Bari, Togdheer iyo Bay. Waxana dadkaasi hadda ay tartan kula jiraan Oromadii hore u joogtey ee iyagu haystay dhamaan shaqooyinka Somalidu u aragto inayna bixin lacag fiican laakiin haddii loo samro laga samayn karo mustaqbal.


Dalka badankiisa waxa ka taliya maamul jufeedyo ku mashquulsan siday u dhici lahaayeen waxoogaaga kheyraadka ee ka hadhay dawladii dhexe ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Dawlada hadda jirtaa welli ma haysato ciidan balaadhan oo qalabaysan oo ay ku baacssto argagixisada isla markaana ku soo afjarto xadkan iska furan ee Axmaaradu ka soo galayso. Xitaa waxa ku jira Tigree waayo qowmiyadaha kale ee Itoobiya way iswada guursadaan.



Maamul xumo ayaa meelkasta taala inta taasi jirtana waxaan ku soconaa in ay sii korodho tirada qowmiyadaha Itoobiya ee dalka soo galaya. Waxa taa dheer in dhamaan gobolka Somalida ay joogaan tuulo kasta kana shaqaystaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.