X

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u direy shacabka Somaliyeed curashada Ramadaan

Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u direy shacabka Somaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa ay tahay habeenka ugu horeeya ee bisha.



Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Muslimiinta ee jooga dalka iyo dibadda ugu hambalyeeyay bishan Ramadaan, isaga oo sheegay in bishan ay tahay mid barakeysan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto.



“Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda, waxaan leeyahay Ramadaan kariim, bishani waa bil kheyreysan, aa bil barakeysan, oo ay samadu furan tahay, oo loo baahan yahay inaan Alle u noqono, aana ku duceysano inuu Alle naga dulqaado gaajada iyo colaada.” Ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay dhexdooda is cafiyaan, wuxuuna Alle ka baryay in ay nabad iyo caafimaad noogu dhamaato bishan kheyreysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.