Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley shirka Afrika uga socda Addis ababa. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.
Wuxuu caddeeyey Madaxweynuhu in Soomaaliya taageersantahay dib-uqaabayn lagu sameeyo Ajendayaasha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay taasi caddaynayso ka dhab-ahaanshaha Ururka ee xaqiijinta Hiigsiga 2063, taas oo keenaysa isdhexgalka iyo horumarka Bulshada Afrika.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay