November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweyne Farmaajo oo ku tala jira wax ka qabashada hawada Somaliyeed: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku talajira in uu soo celiyo hawada Somaliya oo hadda Kiiniya xarun u ah. Farmaajo oo la kulmey qaar ka tirsan shaqaalaha ka shaqeeya xaruntaasi ayaa darxumo ku nool.



Maareeyaha Guud ee saadaasha ee duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa uga war bixiyay Madaxweynaha Xaaladda murugsan ee soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya iyo caqabadihii ee arrinta la kulantay Xukuumadihii ka dambeeyay Xukumaddii TAYO oo arrintan hore xoog badan u gelisay.



2013-dii ayaa waxaa baaritaan ay sameeysay isla Hay’adda ICAO lagu ogaaday in CACAS ujeedkii loo abuuray ee ahaa in Duulista Hawada Soomaaliya la gaarsiiyo Dowlad Soomaaliyeed oo dhalata iyadoo mashruucaas uu horumarsan yahay qalab iyo shaqaale-ba.



Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in Maxkamad caalami ah loo furo kiiska Hawada Soomaaliya sida kan badda oo kale illeen waa wax la xiriira Madax banaanidda iyo Dowladnimada Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS