Monday, August 19th, 2019
header

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddi su’aalo badan la iska weydiiyay

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa magacaabay guddi su’aalo badan layska weydiiyay shaqada ay qaban doonaan. Waxa gudigan lagu sheegay in ay wadahadal la geli doonaan maamulka Somaliland oo ay ka jiraan xaalad siyaasadeed oo aan deganayn.



Guddigan ayaa Farmaajo ku sheegay inay xal miro dhal ah ka gaaraan tabashooyinka maamulka Soomaaliland waa sida hadalka loo dhigey, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Waxa intaas la raaciyay qodobada soo socda:


1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan dawladda dhexe wadahadallada maamulka Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hanaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

Qodobkan ugu dambeeya ayaa noqdey mid dadka badankiisa la yaabeen qaasatan qaybta ah ”inay qortaan khuburo iyo la-taliyeyaal oo aan la garanayn cida loo qoranayo iyo cidi qori doonta sida ajaanib.



Madaxweynaha ayaana sheegin xilliga uu wadahadalka la furayo maamulka Somaliland. Cuqaasha degmada Buuhoodle ayaa dhawaan u sheegay dawlada dhexe inayna wadahadal la furin maamulka Somaliland.

Faysal Waraabe ayaa si xun u caayay madaxweyne Farmaajo kuna sheegay mid wada ”tii adeerkii” waa sida u hadalka u dhigee.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Haweenka Somalida ee ku barakacay dagaalada ismaamulka oo diidey qorshe lagu ilmo tirayo: WARBIXIN

August, 19, 2019
Nimco waa haweenay Somali ah oo ka barakacdey ...

Maxay daaran tahay booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagey Jabuuti: SAWIRO

August, 19, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa booqasho ku ...

Butlaan oo markale dib u dhigtey kiiska Caasha Ilyaas

August, 19, 2019
Maanta ayay ahayd in maxkamada Butlaan dhegeysato kiiska ...

Axmed Karaash oo sheegay in la baalmaray oo aan waxba lagala tashan

August, 18, 2019
Madaxweyne ku xigeenka Butlaan ayaa sheegay in Siciid ...

Maxaad Ka ogyahay shirqoolkii lagu wiiqay saldanadii reer Awdal

August, 18, 2019
Waa barnaamij xasaasiya oo lagu lafo gurayo shirqoolkii ...

Dhacdooyinka

Gini ictiraaf ma siin karto Somaliland ee yaan dadka la wareerin: Dr Cali Khaliif (MAQAL)

July, 8, 2019
Siyaasiga rug cadaaga ee Cali Khaliif Galaydh oo ...

Itoobiyaankii labaad oo Iswidhan ku galay dhuumasho diyaaradeed

July, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii nin loo malaynayo inuu ...

Xoolo dhaqato u adkaysan waayay baada argagixisada oo dagaal qaaday

July, 7, 2019
Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya deegaan ka ...

Dulqaadkii waa naga dhamaaday ma ogolaan doono xadgudug lagu sameeyo qaranimada: Wasiir Axmed Ciise

July, 6, 2019
Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad oo ...

Muuse Biixi wuxuu reer Awdal u yaqaan dameer aan ku fadhiyo: Maxamef Aadan

July, 3, 2019
Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee gobolka Awdal Maxamed Aadan ...

Dhacdo laga anfariirey oo ay samaysay hooyo ku nool gobolka Sanaag

July, 2, 2019
Dadka deegaanka Buuraan ee gobolka Sanaag ayaa ka ...

Booliiska Ingiriiska oo xanibay socdaalka hooyo Somaliyeed gabadhna xoog uga qaatey

July, 1, 2019
Booliiska magaalada Bristol ee dalkaasi Ingiriiska ayaa socdalka ...