10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabis sameeyay iyo socdaalkiisa Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo ayaa manta samneeyay magacaabis dhinaca ciidanka ah asagoo isla manta u baxay caasimada Itoobiya oo xarun u agh ururka midowga Afrika. Magacaabistan ayaa la filaayay.



Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Maxamed Cali Bariise halka Cabdixamiid uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.



Safarka Itoobiya

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa Itoobiya la xiriirtaa ayadoo uu halkaas ka furmayo shirka urur goboleedka IGAD oo Kiiniya la wareegi doonto gudoomiyenimada.

Waxa lagu lafogurayaa in la wanaajiyo xiriirka u dhexeeya Kiiniya iyo Somaliya ayadoo Kiiniya rabto inay heshio daaqad ay ku qiyaanto Somaliya badeeda ayadoo raacaysa saxiix ay siiyeen fadhiid Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur.



Sawirka hoose waa madaxweynaha iyo saarkiisha uu magacaabay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS