X

Madaxweyne Farmaajo oo soo bandhigey wax qabadka dawladiisu gaartey

Madaxweynaha Somaliya oo furey kalfadhiga todobaad ee golaha qaranka ayaa faahfaahiyay guulaha waaweyn ee dawladiisu gaartey mudada afarta sano ku dhow ee ay joogtey.


Mishaharka shaqaalaha iyo ciidanka

Madaxweynaha oo guulahaas taabtey ayaa sheegay in dawladiisu mudadii ay joogtey ayna jirin hal bil oo shaqaalaha dawladu iyo ciidanku mishahar ayna helin.


Doorashada

Wuxuu taabtey in doorasho dalka ka dhici doonto inkasto aanu sheegin nooca ay tahay laakiin loo fasirtey inay nidaamka gaalada ee xisbiyada kadibna la dooranayo.

Wuxuuna sheegay in nidaamkaas ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh.


Siyaasada gudaha

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in mudadii uu xukunka hayay ay jirtey xasilooni siyaasadeed taasina ay keentay inay qabtaan hawlo farabadan inkastoo ay jireen dhibaatooyin ka awood roonaadey sida daadadka, cudurka Kooro iyo qalqal siyaasaded oo ay abuureen carabta iyo jaarku.


Siyaasada dibedda

Madaxweynaha ayaa lagu amaanay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu ka qaatay siyaasadaha Muslimka dhexdiisa taas oo wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadku ugu caroodeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.