X

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray qoraal aan la hubin inuu wax kordhinayo

Madaxweynaha Somaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray go’aan aan la ogeyn inuu wax kordhinayo aan ka ahayn inay fursad siinayso kooxda Xalane. Qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in doorashadu u baahan tahay badbaado.


”Waxaan shaki ku jirin in fadhiid Maxamed Xuseen Rooble uu ku fashilmay hawshii keliya ee loo igmaday ee ah qabashada doorashada haddana in dhooqada laga saaro waxay keenaysaa werar uag yimaada kooxda Xalane oo shibta ku jirey baryahan.


Waxa burburey kooxdii ku qaraaban jirtey magaca HAWIYE ee Kiiniya wadatey hadda waxay helayaan fursad. Waxaanad dhinaca kale is weydiin kartaa waa ayo cida uu la hadlayaa ee uu shirka u qabanayaa ayuu yiri Cali Calasow.



Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay muhim tahay in la qabto shir ay ka soo qayb galaan dhamaan dawlada dhexe maamul jufeedyada iyo gobolka Banaadir si hore loogu wado doorashada.

Way fiican tahay haddii maamul jufeedyada ay wadato kooxda Xalane ka qayb galayaan ayuu yiri Xuseen Warsame laakiin iyaga dhan ayaa dhiiqo ku jira.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.