Madaxweyne Farmaajo ayaa u baxay shir muhiima oo ka dhacaya Urdun oo ka tirsan jaamacada Carabta. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka ambabaxay Muqdisho.
Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa maalinta Berri ah ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan waxaana ka qeyb galaya hogaamiyeyaal badan oo ka socda ku jira ururka Carabta.
Shirka qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah abaaraha ka jira Soomaaliya dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta iyo dagaalka Sucuudigu kula jiro dalkaasi Yaman.
Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan.
Socdaalka Farmaajo ayaa imanaya xilli dalka abaar xuni hayso inkastoo roobab lagu raystey uu da’ay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay