Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jaray laantii hawada Somaliya iyo guul u soo hoyatey umada Somaliyeed 26 sano kadib. Laanta hawada Somaliya ayaa waxa lacagta ka soo gasha daaro ka dhistey laanta hawada ee qaramada midoobey.
Waxa dhawaan la keenay qaklabkii loo baahnaa waxana la rajaynayaa in dhawaqa ugu horeeya ee la maqlo uu noqdo ”waxaad ku jirtaa hawada Somaliya.
Lacagta ka soo xeroota diyaaradaha isticmaalaya hawadeena ayaa waxa lagu maalgelin doonaa madaarada dalka oo u baahan dib u dhisid iyo dayactiro farabadan.
Madaxweynaha ayaa qabsadey maykarafoonka lagula hadlayo diyaaradaha waxana la tusey inta hadda ku jirta hawada dalkeena.
Munaasabadan ayaa waxaa madaxweynaha kala qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano Labada Gole ee Dawladda, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socota.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS