X

Ururka caafimaadka aduunka oo sheegay in umuliso yaraani jirto

Ururka caafimaadka aduunka ayaa sheegay in aduunka ay ka jirto umuliso yaraan xilli maanta ay ku sheegeen maalinta umulisada aduunka. Sumaya Salamah oo iyadu ah umuliso dalkaasi Imaaraadka ayaa qabta inaan umulisada la siinin muhiimad gaara.


Halka Xaali Maxamed iyaduna qabto inayna jirin duruustii umulisonimada oo inta badan shaqadaasi ay qabtaan kalkaalisada. Waxaanan soo jeedin lahaa in kalkaalisooyinka la siiyo shahaadada umulisonimada loona kordhiyo aqoontooda.


”Waxa hadda hawsha ugu badan haya waa kalkaalisada oo galay doorkii umulisada ayay tiri Xaali. Waxase jira umuliso dhaqameed oo aan qaban karin hawlo badan xilliga hooyadu u baahan tahay, ayadooay jiraan hooyooyin badan oo umusha ku dhinta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.