X

Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eriteriya oo Sucuudiga ku kulmey

Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Eriteriya oo Sucuudiga ku kulmey. Kulankan oo xalay ka dhacay Jeddah ayaa daba socda kulamo ay ku martiqaaday boqortooyada Sucuudi Carabiya inay ku dhexdhexaadiso wadamada geeska Afrika ee khilaafka uu sanado badan u dhexeeyay.


Labada dal ayaa dib u soo celinaya xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay, iyadoo laga heshiinayo colaadii soo jiitameysay ee muranka xuduuda labada dal.


Itoobiya iyo Eriteriya ayaa shalay heshiis taariiqi ah ku kala saxiixday dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaana la filayaa in marka uu dhamaado kulamada ay yeelanayaan Madaxda Jabuuti iyo Eriteriya ay heshiis kala saxiixdaan.

Kulankan ayaa Sucuudigu uga gol lahaa inuu gacanta ku dhig badda cas kana ilaaliyo wadamada kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.