X

Somaliya ciidamo nabad ilaalin ah ma u direysaa Koofurta Suudaan

Somaliya ciidamo nabad ilaalin ah u direysa Koofurta Suudaan. Talabaadan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib shirkii IGAD todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan ay ku kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaada ka jirtay dalkaasi tan iyo 2001-kii.


War-murtiyeedka ayaa lagu yiri “Waxey go’aan ku gaartay IGAD inay kala shaqeyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in ciidama nabad ilaalinta oo ka socda gobolka si buuxda loo geeyo, si ay u fuliyaan howsha loo igmaday qaab waafaqsan qaraarada golaha ammaanka waxaana la codsan doonaa in dib u eegis lagu sameeyo howlaha loo igmaday”.


Soomaaliya oo lafteeda joogaan Ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika ayaa laga sugayaa inay aqbasho codsiga IGAD. Waxaana go’aanka ugu dambeeya yeelan doona baarlamaanka Soomaaliya, haddii ay soo jeedin ka timaado wasaaradda Gaashaandhigga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.